Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Shir Lagu Dhameeyo Arrimaha Doorashada

Published: March 1, 2021

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu kulankaasi oo hal maalin soconaya uu ka qabsoomayo magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii guddiga Farsamada Doorashada ee ka soo baxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021.

” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.”

Villa Somalia

Shirka uu ku dhawaaqay madaxweynaha xilku ka dhamaadaay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xili maanta Muqdisho lagu soo gabagabeeyey wadahadalo u socday dowlada federaalka iyo musharaxiinta, kuwaas oo lagu magacaabay guddiyo isku dhaf ah kala sameeya mudaaharaad iyo halka kan kalena baarayo dhacdadii 19 Febraayo 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *