Ruushka oo bilaabaya dhismaha Saldhigiisa Militari ee Sudan

Published: March 1, 2021

Markabkii ugu horeeyey oo nooca dagaalka ah ee ciidamada Badda ee Ruushka ayaa gaaray dalka Sudan oo ay xukuumada Moscow qorsheenayso inay ka dhisato Saldhigooda Badda Cas.

Markabka dagaalka ee Admiral Grigorovich ee Ruushka ayaa ku xirtay dekadda Port Sudan, iyadoo noqoneysa markii ugu horeysay oo markab dagaal oo laga leeyahay Ruushka ku xirto wadankaasi.

Ruushka ayaa bishii November ee sanadkii hore shaaciyey inay saldhig ka sameysan doonaan dalka Sudan, xeradaasi oo loogu talo galay saadka ciidamada badda ee Ruushka iyo xarumo ay ku nastaan askartooda.

Heshiiskaasi Sudan iyo Ruushka ayaa sidoo kale qoraya in Ruushka uu hubka, qalabka iyo saanada kale ee militari marsiin karo dekaddaha iyo Madaarada wadanka Sudan.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *