Siiriya oo markale soo riday gantaalo laga soo tuuray Israel

Published: March 1, 2021

Warbaahinta dowlada Siiriya ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada cirka ee Siiriya ku guuleysteen inay soo ridaan dhawr gantaal oo xalay lagu tuuray nawaaxiga magaalada caasimada ah ee Dimishiq.

Israel ayaan weli wax war ah kasoo saarin duqeyntan la sheegay inay la beegsadeen dalka Siiriya.

Maaha markii ugu horeysay oo Israel lagu eedeeyo duqeynta nawaaxiga Dimishiq, bishii hore ee Feberaayo 15keedii sidan oo kale gantaalo ugu duqeeyeen diyaaradaha dagaalka saldhigyada ciidamada Iran ku leeyihiin duleedka caasimada Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *