Taliyaha Ciidamada Federaalka oo gaaray Baladweyne

Published: March 1, 2021

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil sare oo AMISOM ka tirsan, waxaana soo dhoweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Taliye Odawaa ayaa inta uu ku sugan yahay Baladweyne wuxuu kormeer kala duwan ku sameyn doonaa xeryaha Ciidamada Dowladda iyo kulamo uu la leeyahay saraakiisha ciidamada gobalkaasi ka hawlgala.

Dowlada Federaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay ciidamo badan geysay Baladweyne, magaalada ayey ku sugan yihiin maleeshiyo beeleed si weyn uga soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *