Farmaajo miyuu xagal daacinayaa dedaalada Raysalwasaare Rooble?

Published: March 2, 2021

Kadib 19 Febaraayo waxaa dalku galay xaalad aad u adag taas oo mugdi gelisey sida doorashooyin u qabsoomi karaan iyo sida looga baaqsan karo rabshado iyo iska hor imaadyo dalka ka dhaca.

Midowga Musharixiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore, Raysalwasaare iyo Madaxweynayaal dowlad goboleed ayaa 19 Febaraayo kadib wacad ku marey in 26 Febaraayo ee la soo dhaafey ay qabanayaan mudaharaad kale, kaas oo si weyn looga cabsi qabey in dhiig ku daato.

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ee wakhtigeedi dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaatey door wax ku ool ah oo uu meel isugu keenay dhamaan Midowga Musharixiinta, Madaxweynayaasha Dowald goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuwaas oo dhamaantood ka soo wada jeeda beesha raysalwasaaraha ee Haweiye, waxaana lagu gaaray is afgarad.

  • In la dhiso guddi kala shaqeeya Midowga Mushariixnta dibadbax looga soo horjeedo Madaxweynaha xilkiisi dhamaadey.
  • In la baajiyo dibadbaxa 26 Febaraayo
  • In la dhiso guddi madaxbanaan oo baara dhacdadii 19 Febaraayo ee ciidamada dowalddu ka qaybqaadatey.

Maalintii shalay ee kowda bisha maarso ayaa mar kale la isugu yimid shir ,kaas oo lagu dhisay labadii guddi ee lagu ballamey, sidoo kale waxaa isla maalintii shalay loo ballamey in shir kale ay isugu yimaadaan 04 Bishan Maarso, kaas oo looga ahdlaayo

  • Amniga doorashada
  • Kaalinta Midowga Musharixiinta ee doorashooyinka

Haddaba Madaxweyne Farmaajo ayaa isla habeenkii xalay wax yar kadib shirkii Rooble la qaatey Midowga Musharixiinta soo saarey casumaad shir hal maalin ah in Madaxda Dowlad goboleedyadu isugu yimaadaan magaalada Muqdisho si loo saxiixo is afagaradkii Baydhabo iyada oo lagu dulshaqeynaayo 17 September.

Dadka arrimahan ka faalooda ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee Maxamed Farmaajo laba arrimoodba ka hor dhacayo

  • In shirka Midowga Musharixiinta iyo Raysalwasaare Rooble ee khamiistu qabsoomo, taas oo soo dedejineysa awooda sii xoogeysdanaysa ee raysalwasaare Rooble, iyo tageerada uu ka helaayo beeshiisa iyada oo go’doomin siyaasadeed uu ku jirey Madaxweynaha xilku ka dhamaadey.
  • In ka hor ballanta 6 Maarso ee banaanbaxa uu helo heshiis siyaasadeed, biyo qabow ku dhubi karta Mudaaharaadka.

Waxaa kale oo la sheegayaa Maadxweynaha xilku ka dhamaadey maxamed Cabdullaahi farmaajo uu casumaadan degdeg ah ku qarinaayo in uusan dooneyn soosaaridda wareegtada uu ku caddeynaayo in muddo xileedkiisi dastuuriga ahaa dhamaadey, waxaana uu doonayaa weli isaga oo aan wax wadatashi ah yeelan in uu qabto ballan shir, isaga oo isku dayaya in uu debecsanaan kaga helo Wakiilada Beesha Caalamka ee cadaadiska ku haya.

Haddaba qaar kamid ah fallanqeeyaasha siyaasaddaayaa is weydiinaya Madaxwehnayaasha Puntland iyo Jubaland ma u hogaansami doonaan madashan kale ee lagu tirtiraayo dedaalada Raysalwasaare Rooble, ma aqbali doonaan in ay Madaxweynaha xilku ka dhamaadey la fariistaan isaga oo aan weli soo saarin wareegtada dhamaadka muddo xileedkiisa caddeyneysa?, sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo aad u fogeeyey in aanu Muqdisho sidaas ku tageyn, ma aqbali doonaa isaga oo aan wadatashi dib ugu soo celin shacabka Puntland?.

Arrimahan oo dhan waxay tilmaamayaan in shirka Madaxweyne Farmaajo aan si fudud lagu aqbaleyn, ayna kala fogeyneyso isaga iyo Raysalwasarihiisa siyaasadda ku cusub ee hadda dareemay awooda uu lee yahay muddada kala guurka ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment