Puntland: ” Farmaajo wuxuu qaadayaa tallaabooyin carqaladaynaya qabsoomidda doorashada “

Published: March 2, 2021

Dowlada Puntland ayaa ku eedeysay madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu markasta qaadayo tallaabooyin carqaladaynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada.

War qoraal ah oo caawa kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inuu Farmaajo markasta soo saarayo qoraalo caqabad ku ah doorashada, waxayna dhanka kale soo dhoweeyeen dadaalada ay wadaan Raysal Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta oo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

” Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.”

Puntland

Ugu dambayn Puntland ayaa soo jeedisay in shirarku ka dhacaan garoonka diyaaradaha magaalada Mogadishu, isla markaana xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM ay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *