Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Guddiga Xakamaynta COVID19 & Bulshada Rayidka

Published: March 3, 2021

Madaxweynaha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Bulshada Rayidka ayaa ka dhageysta warbixin ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan safmarka ah.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo bandhigtay warbixin dhammeystiran oo muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tirada welwelka leh ee dhimashada, waxa ayna adkeysay in bulshada ay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo soo laba kacleeyey.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.”

Farmaajo

Fayraska Korona ayaa si xoog leh ugu soo labakacleeyey Soomaaliya, waxaana asbuucyadii lasoo dhaafay kor u kacday tirada dadka u geeriyoonaya oo boqolaal qof, maadaama ay dalka ku yar tahay mashiinka neefsashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *