Midowga Musharaxiinta Oo Loo Ogolaaday Banaanbaxa Daljirka Daahsoon

Published: March 3, 2021

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku ogolaatay banaanbaxa sabtida ee ay codsadeen siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan midowga musharaxiinta.

Warqad kasoo baxday xukuumada ayaa lagu sheegay iyadoo la tixgelinayo geedi socodka dimuqraadiyada, qabsoomida doorashooyinka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka in la ogolaaday banaabaxaas.

Dowlada ayaa ugu baaqday qabanqaabiyaasha mudaaharaadka inay shacabka ku wargeliyeen inay horey usoo qaataan af-xirka, isla markaana ku dadaalaan kala fogaanshaha.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *