Puntland: Wariye Lagu Xukumay Seddex Bilood, Maxkamad Militeri !

Published: March 3, 2021

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta seddex bilood oo xabsi ah ku xukuntay wariye Kilwe Aadan Faarax oo kamid ah suxufiyiinta ka howgala Puntlland.

Wariyahan ayey xeer-ilaalintu kusoo eedeysay inuu duubay muuqaalo muujinaya sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo, hase yeeshee maxkamada ayaa sheegtay eedayntaas inaan cadayn loo hayn.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa wariye Kilwe oo xirdhaa in ka badan 60 cisho xukun la’aan ku xukuntay seddex bilood oo xabsi ah, taas oo ka bilaaban doonta maalintii la xiray oo ku beegnayd 28 December 2020.

Inkastoo Kilwe maxkamadu ku weyday wax dambi ah ayaa la isweydiinayaa sababta keentay xukunka seddexda bilood, taas ayaa u muuqata inay maxkamadu ku xalaalaynayso mudadii uu sharci darada ku xidhnaa.

Ururada u dooda xuquuqda wariyayaasha ayaa horey walwal uga muujiyey maxkamada Militeri ee lasoo taagay wariye Kilwe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *