Kulankii 3aad Oo Caawa Dowlada Iyo Mucaaradka Uga Furmay Muqdisho – SAWIRO

Published: March 4, 2021

Kulankii 3aad oo u dhaxeeya Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka furmay Muqdisho. Shirka waxaa kaloo ka qeyb galaya madaxweynaha Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa looga hadlayaa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan khilaafka arrimaha doorashooyinka iyo banaanbaxa sabtida la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa horey u yeeshay labo kulan, waxaana looga hadlayey dhacdadii 19 Febraayo iyo qabsoomida banaanbax ka dhan ah dowlada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *