Maxkamada Caalamiga ah ee ICC oo baareysa danbiyadii ka dhacay dhulka Falastiin

Published: March 4, 2021

Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada Dagaal ayaa Arbacadii shalay shaacisay inay si rasmi ah u bilaabeyso baaritaanka ku aadan danbiyadii ka dhacay dhulka Falastiin laga soo bilaabo sanadkii 2014.

Maxkamada ICC oo fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa loo dhisay inay baarto danbiyada Caalamka ka dhaca hadii dalalka danbiyadaasi ka dhaceen aysan awood ullahayn inay baaraan ama aysanba dooneyn in danbiyadaasi la baaro.

Xeer illaaliyaha xilka kasii dageysa ee ICC, Fatou Bensouda ayaa dhamaadkii sanadkii 2019 horey usii sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto danbiyada ka dhacay dhulka Falastiin oo ay geysteen ciidamada Israel, arrintaasi oo si weyn uga careysiisay dowlada Israel oo ku dooday in Maxkamada ICC aysan awood sharci u heysan baaritaan noocaan ah.

Guddi Garsoorayaasha Maxkamada Caalamiga ah oo loo saaray inay soo baaraan in maxkamada ay awood sharci u heysato baaritaankan, guddigan oo Arbacadii shalay shaaciyey in maxkamada ICC ay awood u leedahay inay baaritaankan sameyso.

Xukuumada Israel oo iyadu aan xubin ka ahayn dalalka Saxiixay xubinimada Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ayaa sheegtay inay ka horimaan doonto baaritaankan isla markaana difaaci doonto askarteeda inaan lasoo taagin maxkamadan.

Maamulka Falastiin oo iyagu kamid noqday dowladaha xubnaha ka ah Maxkamada ICC sanadkii 2015 ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka maxkamada oo ay sheegeen inay qeyb ka ahayd dadaalka ay ugu jireen in cadaalada la horkeeno kuwa geysta danbiyada ka dhanka ah shacabka reer Falastiin.

Baaritaankan ayaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa danbiyadii ka dhacay Magaalada Gaza dagaaladii 2014 iyo waliba dhulka kale ee Daanta Galbeed oo ay Israel xooga ku qabsatay 1967dii.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *