Boosaaso: Weerarka Xabsiga Weyn Ee Magaalada

Published: March 5, 2021

Wararka caawa ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya xiligan oo ay saacadu tahay saqdii dhexe in weerar lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan laamaha amaanka.

Dhawaaqa rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa inta badan xaafadaha magaalada Boosaaso, lamana oga cida weerarka soo qaaday iyo inta uu la’eg yahay khasaaraha ka dhashay.

Dad goobjoogayaal ah oo lasoo xiriiray Horseed Media ayaa sheegay inay walwal ka qabaan xaalada ay caawa ku jirto magaalada Boosaaso.

Xabsiga weyn ee Boosaaso ayaa waxaa lagu hayaa shaqsiyaad ku kala xukuman danbiyo kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan kooxaha argagixisada.

Wixii warar ah oo kusoo kordha, halkan kala soco.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *