Faahfaahin: Weerarkii Xabsiga Boosaaso

Published: March 5, 2021

Weerar qorsheysan ayaa koox ka tirsan ururka al-Shabaab ay habeenkii xalay ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada Bosaso. Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Horseed Media, weerarka ayaa lagu bilaabey qaraxyo ka dhacay daafaha iyo halka lagu baaro dadka ee Xabsigu lahaa.

Kooxda weerarka geysatey ayaa difaac ka xirtey dhamaan waddooyinka looga soo gurman karo xabsiga ee ay soo marayaan ciidamada amniga ee Puntland, kahor inta aysan weerarka bilaabin, si ay uga hortagaan ama u carqaladeeyaan gurmad kasta oo xabsiga soo gaara.

Kooxda aragagixisada ah ee weerarka ka qaybqaatay ayaa xabsiga uga yimaadeen dhanka Biyo Kulule.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in kooxdan ay u suurta gashey in ay gudaha u galaan xabsiga isla markaana siidaayaan maxaabiis badan oo ku xirneyd, iyaga oo wata magacyada dadka ay doonayeen in ay la baxaan korna ugu dhawaaqaya si ay u kaxaystaan.

Tiro maxaabiis ah oo aan badneyn ayaa dib loo soo qabtey, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo xanuunsan iyo kuwo baxsan kari waayey.

Khasaaraha ayaan weli si rasmi ah loo ogeyn, Taliyaha qaybta gobolka Bari oo markii weerarku dhamaadey saxaafadda kula hadley gudaha Xabsiga ayaa sheegay, in Booliska hal askeri ka dhintey, Waxaa jira warar madaxbanaan oo sheegaya in tirada dhimashadu intaas ka badan tahay, sidoo kale lama yaqaan tirada rasmiga ah ee alShabaab weerarka uga dhintey.

Ciidamada amniga ee Puntland ayaa ku raadjooga kooxda argagixisada ee xabsiga weerartey waxaana waaberkii xabadda laga maqlaayey Biyokulule oo ay u baxsadeen kooxdii weerarka fulisey, halkaas oo ciidanku sii baacsanayeen.

Weerarkan ayaa u muuqda mid muddo laga soo shaqeynaayey, lagana soo abaabuley gudaha iyo dibadda magaalada Bosaso, laakiin uu ku fulay sirdoon xumada laamaha amniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *