Muqdisho: Qarax ka dhacay nawaaxiga Dekada Xamar

Published: March 5, 2021

Waxaa caawa goordhaweyd garax weyn uu ka dhacay nawaaxiga Dekada magaalada Muqdisho.

Weli wax faah faahin ah lagama hayo khasaaraha qaraxan, wararka horudhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkan lala beegsaday makhaayada Luul Yamani ee ku dhaw dekada, halkaasi oo ay inta badan fadhiistaan shaqaalaha iyo saraakiisha ciidamada.

Nooca qaraxan ayey warar is khilaafsan kasoo baxayaan, wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray.

Maaha markii ugu horeysay oo qarax ismiidaamin ah lala beegsado makhaayada Luul Yamani, weerarkii ugu danbeeyey ee goobtaasi lagu qaado ayaa dhacay bishii Agoosto ee sanadkii hore 2020.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *