Dowlada Federaalka oo horey u heysatay digniinta qaraxii Makhaayada Luul Yemeni

Published: March 6, 2021

In ka badan 25 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen qaraxii xalay ka dhacay Makhaayada Luul Yemeni ee ku taal meel u dhaw Xabsiga Weyn iyo Dekada Muqdisho.

Weerarkan ayey goobjoogayaal sheegeen inuu ahaa gaari bambaano lasoo saaray oo naftii haligi waday, halka Afhayeenka booliiska uu sheegay in bambaanada lasoo saaray mooto xamuulka qaada.

Shirkii jaraa’iid oo ay xalay qabteen ciidamada Booliiska ayaa lagu sheegay in 10 qof ku dhimatay, isla markaana dhaawacmeen 30 qof, walow xogta la helayo ay sheegayso in tirada dhimashada iyo dhaawacaba ay intaasi ka badan yihiin.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta bartiisa Facebook ku shaaciyey qoraal digniin ah oo horey u heysteen Dowlada iyo ciidamada Booliiska, xogtaasi oo ka digeysay in Al Shabaab qorsheenayso in la qarxiyo makhaayada Luul Yemeni iyo goobaha ku dhaw.

Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah. Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Waxaa xusid muddan qaraxan ayaa xalay ka dhacay Muqdisho xili ay wadooyinka waaweyn ee magaalada xireen ciidamada Dowlada, waxayna shacabka su’aalo iska weydiinayaan qaabka gaarigan kusoo gudbay goobihii kala duwanaa oo ay ciidamada fadhiyeen?

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *