Eritrea xasuuqa ay ka geysatay dhulka Tigrayga – Warbixin

Published: March 6, 2021

Waxaa isa soo taraya xogta laga helayo xasuuqyadii ka dhacay bilihii lasoo dhaafay ismaamulka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya, ciidamada Eritrea oo gacan siinayey ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa la sheegay inay kumanaan shacab ah xasuuqeen.

Warbixinta ugu danbeysay ee looga hadlayo xasuuqa ka dhacay gobalka Tigrayga ayaa waxaa soo saaray Hay’ada Xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW).

Shacabka ay xasuuqeen ciidamada Eritrea ayaa la sheegay inay ku jireen caruur iyo haween.

Warbixintan lasoo saaray Jimcihii shalay ayaa si gaar ah looga hadlay xasuuqii ka dhacay magaalada taariikhiga ah ee Axum.

Waxaa horey usoo baxay warbixin kale oo ay diyaarisay hay’ada Amnesty International  oo looga hadlay xasuuqyada ka dhacay gobalka Tigrayga dagaaladii dhacay November iyo December sanadkii tagay 2020.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *