Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Xaaladda Abaaraha Dalka

Published: March 6, 2021

Raysal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shir deg deg ah oo Golaha Wasiirradu yeesheen, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo yaridu soo food saartay.

Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ah ayaa waxaa warbixino laga dhageystay guddiga Dowladda u xilsaartay wax u qabashada dadka ay abaaruhu ku dhufteen oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kuwaasi oo Golaha Wasiirada hordhigay xaaladda deg deg ah ee ka jirta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasi oo saacidihii la soo dhaafay ay jirtay dad biyo la’aan u geeriyooday.

Golaha Wasiirada ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqasiyaha badan gurmad beni’aadanimo la gaarsiiyo qoysaska uu saameeyay biyo la’aanta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *