Qardho: Machadka Cilmi Baarista Hayaan Oo Daahfuray Barnaamijka Safarka Nabadda – SAWIRO

Published: March 6, 2021

Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, waxaa maanta oo Sabti ah [Maarso 06, 2021] lagu daah furay wajiga labaad ee Barnaamij loogu magacdaray Safarka Nabadda, (Peace Journey) kaas oo ay fulineyso Machadka Cilmi baarista ee Hayaan.

Barnaamijka oo ka kooban labo qaybood oo kala ah tababarro la siinayo dhallinyarada iyo barnaamijyo wacyigelin ah oo ka baxaya idaacadaha, waxay ujeedadiisu tahay sidii dhallinyarada loogu baraarujin lahaa qiimaha nabadda, islamarkaana loogu diyaarin lahaa inay noqdaan kuwo u ololeeya dhismaha nabadda, kahor taga rabshadaha iyo gacan-ka-hadalka.

Xafladda furitaanka oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimey waxaa kasoo qaybgalay dhalinyaro aad u faro badan iyo mas’uuliyiinta gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, xubno metelayey ururrada bulshada iyo mas’uuliyiin kale.

Mayorka magaalada Qardho Cabdi Siciid Cismaan  oo isagu si rasmi ah barnaamijka u daahfuray, wuxuu ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in da’yarta la baro qiimaha nabadda iyo hababka khilaafaadka loo xalliyo, isagoo carrabka ku adkeeyey in Dowladda Puntland ay soo dhoweynayso barnaamijkan ay waddo machadka Hayaan.

Axmed Cabdullaahi Cali oo ah madaxa fulinta mashruucan ayaa si kooban u sharraxay ujeedada barnaamijkan iyo qorshaha laga leeyahay. Isagoo carrabka ku adkeeyey in danta ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay sidii loo yarayn lahaa rabshadaha dhallinyarada dhex mara, loona soo saari lahaa jiil cusub oo da’yar ah oo ka shaqeeya una ololeeya nabadda.  Casharrada ugu muhiimsan ee inta uu barnaamijkani socdo ardayda la bari doono ayuu xusay inay ugu muhiimsan yihiin: ka fogaashaha rabshadaha, isu tanaasulka, is maqalka, is qadarinta iyo xallinta khilaafaadka.

Ismaaciil Xaaji Siciid oo ka tirsan Machadka Hayaan ayaa sheegay in machadka Hayaan uu horey magaalada Qardho ugu qabtey barnaamijyo kala geddisan oo la xiriira Doorashooyinka qof iyo cod, barnaamijo la xiriira dowlad wanaaga, haddana ay u heelan yihiin in ay keenaan  barnaamijyo kale.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir ayaa dhankiisa ugu baaqay dhallinyarada tababarka loo furay in ay mas’uuliyad weyn isa saaraan, duruusta la bari doonana aysan dayicin balse ay dalkooda iyo dadkooda ugu faa’iideeyaan, Guddoomiyuhu wuxuu ka digay in dhallinyaradu ku milmaan afkaarta siyaasiga ah ee is diiddan, ayna ka taxadaraan inaysan noqon kuwo  ay adeegsadaan kooxaha qasawadayaasha ah.

Xubnaha kale ee madasha ka hadlay waxaa kamid ah ahaa: 

  • Guddoomiyaha Jaamacada bariga Afrika faraca Qardho, Faarax Cabdullaahi Cumar
  • Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Karkaar, Cabdinaasir Adam naxar
  • Guddoomiyaha ururka Haweenka Degmada, Faiza Siciid Cali

Gababa gabadii, waxaa ka qayb galeyaasha tababarka oo ka kooban 45 qof loo kala qaybiyey saddex kooxood, kuwaas oo qaadan doona casharo kala duwan maalmaha soo socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *