Raysalwasaaraha Pakistaan oo ku guuleystay mooshin kalsoonida Baarlamaanka

Published: March 6, 2021

Xukuumada Raysalwasaare Imran Khan ayaa ka badbaaday mooshin kalsoonida ah oo la horkeenay Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Pakistaan.

Codbixintii la qaaday saaka oo Sabti ah ayuu Raysalwasaaraha helay 178 cododka xildhibaanada isagoo u baahnaa 172 cod.

Golaha Shacabka Pakistan ayaa ka kooban 342 xildhibaan. Dhamaan xildhibaanada mucaaridka ayaa diiday inay ka qeyb qaataan codbixinta mooshinkan oo ay xukuumada dooneysay inay ku xoojiso awoodeeda, kadib markii xisbigiisa uu lumiyey aqlabiyada Aqalka Sare ee Senate-ka.

Mooshinkan ayaa yimid kadib markii Wasiirkiisa Maaliyada Abdul Hafeez Shaikh, Arbacadii lasoo dhaafay looga guuleystay kursiga Aqalka Sare (Senate), doorashadaasi oo uu ku guuleystay Yusuf Raza Gilani oo ka tirsan Mucaaridka.

Raysalwasaaraha Imran Khan oo xilka loo doortay 2018 ayaa goordhaw la hadlay Golaha Shacabka isagoo ku tilmaamay doorashadii kursiga Senate-ka ee Wasiirka Maaliyada looga guuleystay mid musuq maasuq hareeyey, isagoona ka codsaday Guddiga Doorashada inay baaraan.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *