Shir Jaraa’id: Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Weerarkii Xabsiga Boosaaso iyo Hawlgalada socda

Published: March 6, 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ka hadlay weerarkii habeenkii Jimcaha 05 Febraayo 2021 lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Madaxweynaha oo tacsi u diray qoysaska askartii ku geeriyootay weerarka Xabsiga, ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid xanuun badan, wuxuuna sheegay inay Puntland ku jirto heegan buuxa, arrintaasina jawaab culus ka bixin doonaan.

“ Puntland waxay kujirtaa heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa , dadkay ku cadaato inay qayb ka ahaayeena waxaan rajeyn inaan ka abaal marino oo wajibkooda la mariyo”

Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni ayaa sheegay ciidamada difaaca Puntland inay argagaxisadii weerarka soo qaaday kaga daba tageen buuraha, isla markaana gaarsiiyeen khasaare xoog leh, qaybna la laayey qaybta kalena lasoo qabtay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay falkii lagu dilay alle ha u naxariistee wariye Jamaal Faarax Aadan, wuxuu sheegay in hawlgal ciidamadu meel fiican marayo.

Hawlgalo Militari

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ciidamada Puntland aysan hawlgalkooda ku ekayn doonin midka hada socda balse la wado hawlgal militari oo balaaran oo lala beegsanayo xarumaha ay kasoo duulaan kooxaha Argagaxisada, wuxuu sidoo kale sheegay in dhawaan hawlgalo laga bilaabi doono gudaha magaalooyinka waaweyn.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay shacabka iyo dowlada Puntland inay maanta si wadajir ah meel uga soo wadajeestaan la dagaalanka argagaxisada, shacabkana ay la shaqeeyaan ciidamada hawlgalada wada.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *