WHO oo daawada talaalka Covid-19 gaarsiisay 12 wadan oo Afrikaan ah

Published: March 6, 2021

Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO qayb-teeda Africa ayaa Sheegtay Ilaa Saakay  in 12 dowladood oo African ah la gaarsiiyay in ka badan 11 Malyan oo Talaalka Covid-19 Barnaamijka COVAX ee dalalka Faqriga lagu gaarsiinayay Talaalkan. 10-kii Maalmood ee la soo dhaafay.

Qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika ayaa la gaarsiiyay Talaalkan Sida Kenya Sudan,Ugandha,Congo,Gambia,Malawi,Ruwanda,Nigeria ,Angola iyo dalal kale.

Sidoo kale hay,adda Caafimaadka aduunka ee WHO waxa ay sheegtay in dhawaan10 dal oo ay Soomaaliya ku jirto la gaarsiin doona Isbuucaan sida laga soo Xigtay Hay’adda .

Bahda Caafimaadka iyo dadka Da’doodu ka wayn tahay 50 sano waa inay Qaataan oo si siman ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda Caafimaadka aduunka ee Who si loola dagaalamo faafida Covid-19 ee dunida sib a,an usaameeyay

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee ugu dambeysay xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 123 xaalado cusub oo COVID-19 iyadoo ay ugeeriyoodeen  14 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 34 ruux.

Ilaa iyo hada tirada dadka uu soo riday Covdi-19 ee dalka ayaa lagu sheegay 7850 ruux halka 3,901 ay ka bodsootay hase ahaate waxaa ugeeriyootay 274 tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka dalka .

Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa ku ceilsay in ay muhiim  tahay fariimaha bahda caafimaadka ee looga hortagayo covid-19, oo xilligaan dalka si xoojan ugu sii faafayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *