Xildhibaan Cali Dhahar oo shil gaari ku geeriyoodey

Published: March 6, 2021

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta shil gaari ku geeriyoodey Xildhibaan Cali Axcmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland. Shilka ayaa ka dhacay tuulada Midigalo ee gobolka Sanaag, waxaana uu ku sii jeedey degmada Badhan.

Cali Dhahar ayaa Hooyadiis maanta geeriyootey, waxaana uu doonaayey in uu ka gaaro aaskeeda, laakiin shilkan waxa uu sababey in isaga iyo Hooyadiis isla maalin geeriyoodaan, tan oo ah geeri aad u naxdin badan.

Xildhibaanka waxaa markii hore soo gaarey dhaawac aad u culus, waxaana uu geeriyoodey saacado yar kadib.

Xildhibaan Cali Dhahar muddo dheer ayuu ahaa Xogahaynta Golaha Wakiilada ee Puntland, waxaana uu sanadkii 2019 ka mid noqdey Baarlamaanka isaga oo ka soo galay degmada Badhan.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *