Badhan: Xildhibaan Cali Dhahar Oo Aas-Qaran Loo Sameeyey

Published: March 7, 2021

Alle ha u naxariistee, Marxuum xildhibaan Cali Axmed Saalax oo kamid ahaa golaha wakiilada Puntland ayaa maanta aas-qaran loogu sameeyey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qaybgalay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaanno kamid ah golaha wakiillada, wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, Isimo, maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale.

Marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Badhan iyo Ceel-daahir, xiligaas oo uu doonayey inuu ka gaaro aaska hooyadiis oo isla shalay geeriyootey, laakiin shilkan waxa uu sababey in isaga iyo hooyadiis isla maalin geeriyoodaan.

Guddoomiyaha ayaa salaatul Jinnaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuumka oo ahaa Mudane dalka & dadka usoo shaqeeyey, muddo dheerna ka mid ahaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL, haddana ahaa Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqank Golaha Wakiillada DPL.

“Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar, Alle naxariistii Janno ha siiyo innagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa Golaha Wakiillada, eheladiisa iyo guud ahaan bulshada Puntland ”

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *