Shirkii Doorashooyinka oo dhawaan bilaaban doona

Published: March 7, 2021

Afhayeenka Dowaldda federaalka Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macalimow ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dhawaan uu Muqdisho ka furmi doono shirkii lagu dhamaystiraayey arrimaha doorashada ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo weliba gobolka Banaadir.

“Waxaan rajeyneynaa mar dhow in shir madaxeedka soo socda ee u dhexeeya madaxda DFS & DXF lagu qaban doono Muqdisho si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020.

Maxamed Ibrahim Macalimow – Afhayeenka Dowaldda federaalka

Dhanka kale Afahayeen Macalimow waxa uu sheegay in Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu doonaayo in uu dib u bilaabo wada hadalkii uu laha lahaa Musharixiinta kadib markii kulankii saddexaad ee u danbeeyey uu natiijola’aan ku dhamaadey.

Qaar kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa maanta dalbadey in wada hadalku sii socdo oo aan la kala aamusin, waxa keliya ee wax lagu xalin karo ay tahay miiska oo lawada tago.

Waxaa la aaminan yahay in dhamaadka todobadkan la isugu tegi doono Muqdisho si loo saxiixo dhamaystirka heshiiska.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *