50 qof oo ku dhaawacmey dab ka kacay dugsi ku yaala Hargeysa

Published: March 8, 2021

Dab xooggan ayaa ka kacay dugsi waxbarasho oo ku yaaley magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhaawacmey dabka, gelinkii danbe ee Axadda.

Dhismaha dugsiga ayaa ka koobnaa laba dabaq, waxaana dabku ka bilowdey albaabka keliya ee laga galo dhismaha isaga oo aan lahayn meel kale oo loo baxsdo. Dadka dhaawacmey ayaa u badan gabdho kuwaas oo qiiq ku neefsadey, halka wiilasho ay ka boodeen daaqadaha dabaqa sare.

War qoraal ah oo ay soo saareen Ciidanka Dab-demisku waxay sheegeen inay si deg-deg ah uga hawlgaleen la tacaalidda dabkaas iyo samata bixinta dhamaan dadkii ku sugnaa dusgida dabku qabsadey. Tirada ardeyda wax ku baraneysey dugsiga ayaa lagu sheegay 250 qof.

Laamaha amnigu kama hadlin sababta keentey in dabku halkaas ka bilow.

Iskoolada waxbarashada iyo goobaha kale ee dadka badan la isugu keeno ayaan loo diyaarin ka hortaga degdega ah ee dabdemiska, iyo weliba albaabka badbaadada haddii dab dhaco.

Horseeed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *