Ergada Dhegaysiga Dacwada Badda oo Muqdisho Ka Duulay

Published: March 8, 2021

Waxaa maanta oo Isniin ah Muqdisho ka amba baxaya Guddiga Dowladda Federaalka Soomaaliya u xil saartay Dacwadda muranka Badda ee u dhaxeeysa Kenya Iyo Soomaaliya.

Waftiga waxaa hoggaamiyey Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana kamid ahaa xeer ilaaliyaha Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Yusuf Garaad, Xeer Ilaaliyihii hore iyo qareemo kale.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay ka qeyb galka dhageysiga oo qaab fogaan arag ah lagu qaban doono.

Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ICJ ayaa ku gacan seyrtay dalab uga yimid Kenya oo ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhaxeysa Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda u muddeysay 15-ka bisha Maarso 2021, oo ku beegan Isniinta danbe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *