Gedo oo haraad loogu dhintey

Published: March 8, 2021

Xaalad bani’aadanimo tii ugu adkeyd ayaa ka taagan gobolka Gedo, kadib abaaro dabo dheeraadey oo gobolka ku dhuftey kuwaas sababey in dadku harraad u dhintaan.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq, Ibraahim Guuleyd Aadan ayaa sheegay in caruur dhan saddex ay harraad ugu dhinteen deegaano hoostaga Ceelwaaq, halkaas oo maalmahanba laga soo sheegayay abaar ba’an oo saameysay dad iyo duunyaba.

“Inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo faaxdhuun ayay saddexdaas caruur ah harraad ugu dhinteen, abaaro ba’an ayaa ka jira deegaanada Ceelwaaq, waxaana u darran inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Baardheere, gaar ahaan deegaanada Ceelwaaq laga xukumo ayaa aad u daran, “ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceelwaaq.

Xoolaha ayaa dadka horey u dhaafey, waxaana ay hadda maraysaa in dadka tabarta yar ay harraad u geeriyoodaan.

Guddoomiyaha Ceelwaaq ayaa sheegay in cidda keliya ee u soo gurmatey ay tahay qurbojoogta gobolka u dhalatey, wuxuu sheegay in aan gargaar ka yimid Dowladda federaalka iyo weliba Jubaland aanu soo gaarin.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gargaarka ayaa horay u sheegtay in gargaar la gaarsiiyay gobolka Gedo, inkastoo ilaa iyo hadda aysan kala caddeyn halka la gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Ceelwaaq oo baaq dirayay ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aysan jirin wax gargaar ah oo kasoo gaaray dowladda federaalka, maamulka Jubaland iyo hey’ado kale, waxaana uu ka digay xaaladda taagan oo uu sheegay in haddii aanan wax laga qabanin ay kasii dari doonta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *