Madaxweyne Deni Oo Hambalyo U Diray Haweenka Puntland

Published: March 8, 2021

Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ugu hambalyeeyey maalinta haweenka adduunka 08/Maarso oo maanta ku beegan.

War ay soo saartay madaxtooyada Puntland ayey ku sheegtay inuu madaxweynuhu hambalyo u diray haweenka Puntland kuwooda jooga furimaha hore, sida gabdhaha ku jira Ciidamada iyo Dhakhaatiirta ka hortegaysa Coronavirus.

” Puntland haweenku door muhiim ah ayey ku leeyihiin dhinackasta, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo horumarka socda, waxaan u hambalyeynayaa kuwooda jooga furimaha hore, sida gabdhaha kujira Ciidamada iyo Dhakhaatiirta ka hortegaysa caabuqa COVID-19.”

Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu dhiirigelinayo dadaalada ay haweenka Soomaaliyeed ku doonayaan inay siyaasadda ugu soo biiraan, sida kuwa hadda raadinaya xildhibaanada soo socda ee labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *