Midowga Musharaxiinta Oo Fariin U Diray Wadamada Soomaaliya Ka Taageera Ciidamada

Published: March 8, 2021

Golaha midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya 2021 ayaa sheegay inay ka digayaan qaabka ay ciidamada u adeegsanayso dowlada uu waqtigeedu dhamaaday ee uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War saxaafadeed ay soo saareen midowga musharaxiinta oo ku qornaa liiqada Ingiriiska ayey baaq ugu direen wadamada Soomaaliya ka taageera dhismaha Ciidamada gaar ahaan Maraykanka iyo Turkiga, waxay sheegeen in ciidamadii ay tababareen loo adeegsaday nidaam ka baxsan dastuurka.

Waxay farta ku godeen in ciidamadaas looga hortagayo dimuqraadiyada isla markaana loo adeegsanayo oo lagu caburinayo madaxdii hore ee dalka iyo musharaxiinta doorashada waqtigeedii la dhaafay ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *