Saudi Arabia: Xuuthiyiinta oo duqeeyay Kaydka Shidaalka Ras Tanura

Published: March 8, 2021

Dowlada Sacuudiga ayaa kooxda reer Yemen ee Xuuthiyiinta ku eedaysay duqeyn Axadii shalay lala beegsaday kaydka shidaalka ee ku yaal dekada Ras Tanura ee Bariga Boqortooyada Sacuudiga.

Ma jirin khasaaro weyn oo ka dhashay weerarkaasi oo loo adeegsaday Drone bambaano lasoo saaray sida ay sheegeen warbaahinta Sacuudiga.

Goobtaasi la duqeeyey oo kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee kaydka batroolka ee shirkada Sacuudiga Aramco, waana weerarkii ugu weynaa oo sanadkan lala beegsado xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *