Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 8 Maarso 2021

Published: March 8, 2021

Maanta oo kale waxaa caalamka intiisa badan laga xusaa maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo loo asteeyey maanta oo kale 8 Maarso.

Xuska sanadkan iyo halku dhigiisa ayaa ah: In la gaaro mustaqbal loo siman yahay adduun-weynaha COVID-19.

Haweenku waxay taagan yihiin safka hore ee dhibaatada COVID-19, sida shaqaale daryeel caafimaad, daryeel bixiyeyaal, hal abuureyaal, abaabulayaasha bulshada iyo inay yihiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu caansan uguna waxtarka badan ee la dagaallanka aafada. Dhibaatada ayaa muujisay labadaba udub dhexaad u ahaanta iyo culeysyada aan dheelitirnayn ee ay haweenku qaadaan.

Haweenka Soomaalida ayaa lafdhabar u ah nolosha qoyska iyaga oo si weyn uga qayb-qaata wax soosaarka qoyska iyo la soo baxa nolol maalmeedka, isla markaana ganacsiga yar-yar oo dhan ay la wareegeen.

Xuska sanadkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dunidu la daalaadhacayso aafada Covid-19 taas oo sababeysa in aan la sameyn isu imaatinkii horey loo ameyn jirey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *