Axmed Madoobe Iyo James Swan Oo Ku Kulmay Muqdisho

Published: March 9, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu madaxweyne Axmed Madoobe ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay masuuliyiinta kaga hadleen arimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubaland oo maanta tagey caasimadda Muqdisho ayaa ka qaybgalaya shirka madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa arimaha Doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *