Madaxweyne Axmed Islaam Oo La Shiray Guddiga Abaaraha Jubaland

Published: March 9, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku gudoomiyay shir diirada lagu saarayey Xaalada abaaraha ee ka jirta deegaano badan oo ka tirsan Jubaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu shirkan kala qeyb galay gudi gaar ah oo loo magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso Wasaarada arimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay masuuliyiin katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha Caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala gudaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka Dowlada Jubaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubaland ay ka kooban tahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *