Madaxweynaha Tanzania oo cudurka Covid ku dhacay oo India loo qaaday!

Published: March 12, 2021

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli uu ku dhacay cudurka Covid19, isla markaana hada loo qaaday isbitaal ku yaal dalka India.

John Magufuli ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka ku yaal dalka Kenya kahor intaan loo qaadin dalka India, sida uu sheegay hogaamiyaha mucaaridka Tundu Lissu.

Waxaa la ii xaqiijiyey in Madaxweynaha laga qaaday isbitaalkii uu ku jiray ee ku yaal Nairobi isagoo Koomo ku jira, loona qaaday dalka India.

Tundu Lissu

Dowlada Tanzania ayaa diiday inay ka hadasho xaalada Madaxweynaha, waxaana gebi ahaan saxaafada laga waayey afhayeenada dowlada oo ka gaabsaday arrintan.

Madaxweynaha Tanzania ayaa kamid ahaa hogaamiyayaasha Caalamka ee sida weyn u yareystay xaalada cudurkan coronavirus, isagoo hada kahor ku dhawaaqay in dowladiisa ay ka guuleysatay cudurkan caalamka ku faafay.

Madaxweyne Magufuli oo ah 61 sano jir ayaa xukunka soo hayey tan iyo sanadkii 2015 isagoo markale ku guuleystay doorashadii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *