Maraykanka oo dar-dargeliyey ololaha Talaalka cudurka Covid19

Published: March 12, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo xalay shacabkiisa la hadlay ayaa sheegay in dowladiisa ay xooga saartay in bilaha soo socda la dhameystiro wareega hore ee talaalka Covid19 oo dalkaasi ka socda.

Biden oo horey u sheegay in 100ka maalmood ee ugu horeeya muddo xileedkiisa uu doonayo in la talaalo in ka badan 100 milyan oo qof oo dalkaasi ku nool, ayaa hada sheegay inuu doonayo in 1da bisha May ay doonayaan in la talaalo dhamaan dadka qaangaarka ah ee dalkaasi ku nool.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in 4-kun oo ka tirsan askarta dalkaasi la hawlgeliyey si ay uga qeyb qaataan ololaha talaalka, wuxuuna sheegay inay rajeenayaan in 4ta bisha Luulyo oo ah maalinta xoriyadda dalkaasi in Maraykanka uu ka xoroobo cudurka covid19 oo khasaarihii ugu badnaa ee caalamka ka geystay dalkaasi Maraykanka oo ay ku dhinteen in ka badan 530,000-qof.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *