Yemen: Dagaalka Marib oo sii xoogeystay

Published: March 12, 2021

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay xaalada gobalka Marib ee dalka Yemen oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo xoogleh ku dhexmareen ciidamada taageersan Dowlada iyo Kooxda Xuuthiyiinta.

Gobalka Marib oo ah mid qani ku ah shidaalka ayaa waxaa duulaan xoogan ku qaaday todobaadkan xoogaga Xuuthiyiinta oo doonaya inay gobalkaasi kala wareegaan ciidamada gacanta ku hayey oo taageersan Dowlada Caalamka aqoonsan yahay.

Dagaaladan ayaa culeys horleh ku noqonaya shacabka reer Yemen oo horey u tabaaleysnaa, magaalada Marib oo 120 km dhanka bari ka xigta caasimada Sanca ayaa la sheegay inay hada ku xaniban yihiin dad ka badan 2 milyan oo qof.

Wararka saaka oo Jimce ah kasoo baxaya dalka Yemen ayaa sheegaya in sidoo kale uu dagaal ka qarxay magaalada dekadaleh ee Xudeydah.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *