Muqdisho: Madaxweynayaasha Puntland Iyo Jubaland Oo La Kulmay Midowga Musharaxiinta

Published: March 14, 2021

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta golaha midowga musharaxiinta kula kulmay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah kii ugu horeeyey oo Deni Iyo Axmed Madoobe si wadajir ah ula kulmaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku salaysan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo  Sheekh Shariif, RW hore Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo inta badan Midowga Musharaxiinta ayaa ka qaybgalay kulanka.

Madaxweyne Deni oo shalay yimid Muqdisho iyo madaxweyne Axmed Madoobe oo tagey asbuucii hore ayaa degay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii ay sheegeen inaan la isku hallayn karin amniga magaalada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *