ICJ: Heshiiskii MOU 2009 oo si weyn u caawiyey Soomaaliya iyo Doodii layaabka ahayd ee Kenya – Warbixin

Waxaa maanta oo Isniin ah 15ka Maarso 2021 bilowday dhageysiga kiiska Badda oo ay Dowlada Soomaaliya ka gudbisay Kenya oo sheegatay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, kiiskan oo soo socday tan iyo sanadkii 2014.

Dowlada Kenya ayaan kasoo qeyb gelin furitaanka dhageysiga dacwada oo ay Maxkamada Caalamiga ah ICJ maanta bilowday, iyadoo dowlada Kenya qoraal ay usoo gudbisay Maxkamada ku sheegtay maqnaanshahooda inaysan wakhti ku filan u helin diyaarinta kooxda Qareenada Difaacaya Kenya.

Maxkamada ICJ ayaa horey u diiday markii 4aad in dib loo dhigo dhageysiga Dacwada Badda Soomaaliya, iyadoo sadex goor oo hore Kenya fursad loo siiyey in ay wakhti dheeraad ah helaan iyagoo mararsiinayo kala duwan adeegsanayey oo ay ugu danbeysya in cudurka Covid19 u saamaxi waayey diyaargarowga dhankooda.

Balse Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo gudbisay Qoraalo gaaraya in ka badan 300 bog oo ay dhankooda ku sheeganayaan xaduuda ay la wadagaan Soomaaliya dhanka badda iyo cadeynmo ay sheegeen in dooda Kenya ay xoojinayaan.

Doodii 1aad ee Kenya (2014 – 2017)

Kenya ayaa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya dacwada u gudbisay Maxkamada ICJ sanadkii 2014 bilowday dooda ah in Maxkamada aysan awood ullahayn inay kiiskan gasho, arrintan oo ugu danbeyntii kusoo dhamaatay in Maxkamada Caalamiga ah sheegto inay awood u leedahay dhageysiga dacwadan ay Soomaaliya soo gudbisay.

Doodii 2aad ee Kenya (2017 – 2020)

Kadib markii Maxkamada ICJ xaqiijisay in kiiskan ay galeyso ayey Kenya hordhigtay diidmo kale oo ay ku sheegtay in marka hore fursad loo siiyo Kenya iyo Soomaaliya inay wadahadal waxooda ku dhameystaan. Arrintan ayaa waxaa diiday dowladahii Soomaaliya oo sheegay in lagu fashilay wadahadaladii hore u dhexmaray labada dal, iyadoo Soomaaliya codsatay in wadada kaliya oo lagu xalin karo ay tahay in Maxkamada go’aamiso iyadoo la raacayo sharuucda caalamiga ah.

Kadib xiligaasi ayaa 3 mar dib loo dhigay in ay bilaabato dhageysiga dacwada arrintaasi oo ka timid Kenya oo 3da goor codsatay in dib loogu dhigo.

Dooda 4aad ee Kenya (2021)

Kenya ayaa gebi ahaan bedashay doodii hore iyadoo qoraalada ay usoo gudbisay maxkamada 22kii bishii hore ee Feberaayo la timid dood cusub oo waji kale u yeelay kiiska isla markaana khilaafaya doodihii hore ee dowlada Kenya wadatay.

Sida ku cad qoraalada maanta la shaaciyey ee Kenya u soo dirtay Maxkamada dhamaadkii bishii hore, waxay ku doodeen in khariidada Kenya la bedalay sanadii 1979kii iyo 2004 isla markaana aysan Soomaaliya xiligaasi wax dacwad ah ka keenin.

Aamusnaanta Soomaaliya ay ka aamuseen Khariidada Kenya u gudbisay UNta sanadadii 1979 iyo 2004 ayaa muujineysa in Soomaaliya aamusnaastaasi ku ogolaatay khariirada Kenya sameysatay.

Dooda Kenya 2021

Kenya ayaa ku tilmaamtay in aamusnaanta Soomaaliya ay ahayd Tacit Agreement (Heshiis aamusan) oo micnaheedu yahay Soomaaliya inay horey wax dacwad ah uga keenin khariidada Kenya, wixii ka horeeyey 2014.

Si ay u xoojiso doodan waxay Kenya qoraalka ay soo dirtay ku sheegtay in Kenya ay marar badan ciidamadeeda ka hawlgaleen biyaha la isku heysto, isla markaana Soomaaliya aysan wax dood ah ka keenin.

Waxaa kamid ahaa cadeynta ay soo gudbiyeen markhaati laga soo qoray Sarkaal horey uga soo shaqeyn jiray Ciidamada Badda Kenya oo 16 sano kahor shaqada ka tagay kaasi oo ku dooday in xaduuda ay weligeed ahayd sida Kenya sheeganeyso.

Makhaatigaasi Kenyaanka ah ayey Qareenada Soomaalida ku tilmaameen mid aan la qaadan karin oo xaqiiqda ka fog, isla markaan Kenya soo gudbisay markhaatigan asbuucii lasoo dhaafay maalmo kahor dhegaysiga dacwada maanta.

Jawaabta Soomaaliya

Qareenada u doodaya Soomaaliya ayaa si faah faahsan uga jawaabay dhamaan qodobada ay Kenya ku doodeyso oo ah Aamusnaanta Soomaaliya inay cadeyn u ahayd in kenya waligeed lahayd biyaha ay sheeganayso, dooda noocaan ah oo aan horey uga dhicin caalamka.

“…Aamusnaanta maaha ogolaansho…”

Qareenada Soomaaliya

Qareenada ayaa tusaalo u soo qaatay xaduudaha badda ee wadamada Caalamka la isku qabsaday sida kiisaskii horey uga dhacay Afrika iyo Caalamka intiisa kale, Soomaaliyana aysan weligeed wax heshiis ah oo dhanka xaduuda ah la gelin Kenya.

Qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in doodan Kenya keentay si weyn u khilaafsan tahay doodii hore isla markaana dooda Kenya ayba gebi ahaan ka horimaanayaan sharuucda Caalamiga ah ee Xaduudaha Badda.

Qareenada Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya dooda ay hada la timid ay ka horimaaneyso doodii ay soo gudbiyeen 2014 iyo 2017.

Xiligaasi ayey Kenya qiraneysay in xaduuda badda aysan weli kula heshiin Soomaaliya oo ay u baahan yihiin wadahadal in arrintan lagu xaliyo. Sida ku cad qoraaladii ka yimid dhanka xeer ilaalinta Kenya sanadkii 2014 – 2017.

Cadeynmaha Soomaaliya la timid

Qareenada Soomaaliya ayaa la yimid cadeynmo kala duwan oo muujinaya in weligeed aysan labada dal ku heshiin xaduuda badda.

Heshiiskii MOU 2009

Cadeynta ay Qareenada Soomaaliya maanta adeegsadeen waxaa kamid ah heshiiskii MOU 2009 oo uu saxiixay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, heshiiskaasi oo ay ku qorantahay si cad in Soomaaliya iyo Kenya aysan weli ku heshiin xaduuda badda, qoraalkaasi oo ay Kenya saxiixday ayaa muujinaya in weligeed aan wax heshiis ah xaduuda laga gaarin.

Heshiiskii MOU 2009 ayey ku cadeyd in labada dal ay ka wadahadli doonaan murrankooda la xariira xaduuda badda. Taasi oo cadeyn u ah inaysan horey u jirin wax heshiis ah sida ay Kenya ku qiratay qoraalkii ay saxiixday 2009.

Khariiradaha Kenya

Qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale Maxkamada horkeenay Khariiradihii Kenya lafteeda shaacisay intii u dhaxeysay 1979, 1982, 1984, 1986 illaa 1996 ay muujineysay in xaduuda Kenya aqoonsaneyd ay u sameysan tahay qaabka Soomaaliya ku doodeyso, waxaana khariiradaha lasoo bandhigay kamid ahaa kuwii ay sameeyeen shirkadihii shidaalka ee Kenya qandaraaska siisay.

Sharuucda Xaduuda Badda ee Kenya [Section 3 (4) ]
Sharcigan uu ansixiyey Baarlamaanka Kenya sanadkii 1972 iyo 1989 ee xaduudaha badda ee Kenya ayaa qoraya in xaduuda Soomaaliya aan weli lagu heshiin.

Cadeynmaha kale oo ay Qareenada Soomaaliya ay adeegsadeen waxaa kamid ah Qoraaladii Kenya u gudbisay Qaramada Midoobay intii u dhaxeysay 1972 illaa 1989 oo ay ku cadeenaysay in aan weli heshiis laga gaarin xaduuda bada ee Soomaaliya.

Dooda ah in Soomaaliya aysan dacwad ka keenin sheegashada Kenya ee xaduuda intii u dhaxeysay 1990 illaa 2014 ayaa lagu beeniyey cadeymaha kor ku xusan, waxay sidoo kale Qareenada adeegsadeen Waraaqdii Raysalwasaare Cumar Cabdirashadii u qoray Qaramada Midoobay Agoosto 2009 oo uu ku sheegay in labada dal aysan weli ka heshiin Xaduuda.

Dhinaca kale doodaha Kenya ee ah in ciidamadooda badda ka hawlgaleen biyaha la isku heysto ayey Qareenada Soomaaliya sheegeen in taasi aysan ka tarjumeyn habka xaduudaha caalamiga ah loo sameeyo, waxayna xuseen in hawlgalada ciidamada badda Kenya ay sheegteen ay kamid ahaayeen kuwii la fuliyey xiligii Kenya kamid noqotay AMISOM, sida ku cad qaraarkii Golaha Amaanka ee awooda lagu siiyey AMISOM ay qeexaysay in aan lagu xadgudbi karin xaduudaha iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

Waxaa taasi usii dheer Khariirada Midowga Afrika ku qeexay xaduudaha berriga iyo badda Soomaaliya ee hawlgalka AMISOM inay waafaqsan tahay Khariirada dowlada Soomaaliya ku doodeyso.

Dooda maanta ayaa ahayd mid socotay muddo shan saac ah oo ay soo gudbinayeen khudbadahooda kooxda ka socota Soomaaliya, iyadoo maalinta berri ah ay Soomaaliya dhameystiran doonto dooda dhankooda.

Sida horey qorshaha u ahaa Kenya ayaa horey loo siiyey maalmaha Khamiista iyo Jimcaha inay jawaabtooda soo jeediyaan, balse Kenya ayaa diiday inay timaado dhageysigan dacwada, waxaana la filayaa in maxkamada ay go’aankeeda u gudbi doonto.

Hanad Askar
Horseed Media

Hoos ka daawo Baarnaamijkii aan sanadkii 2016 ka diyaarinay dooda Xaduuda Badda