Muqdisho: Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Published: March 15, 2021

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ee Soomaaliya, James Swan iyo Francisco Madeira.

Madaxweynaha oo si gooni-gooni ah ula kulmay wakiilada beesha caalamka ayey ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.

Madaxweyne Saciid Deni oo sabtidii gaaray magaalada Muqdisho ayaa tan xiligaas kulamo la qaatay siyaasiyiinta mucaaradka iyo wakiilada beesha caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *