Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Midowga Musharaxiinta

Published: March 16, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, qaar kamid ah xubnaha golaha midowga musharaxiinta.

Kulan oo ahaa casho sharaf uu madaxweynuhu u sameeyey musharaxiinta ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh, raysal wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska madaxweyne Qoor-qoor ayaa sheegay inuu kulankani hordhac u yahay kulamada looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Galmudug oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa horey u joogay madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle, kuwaas oo u yimid shir ay yeeshaan madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada oo lagu dhamaystiro heshiiskii 17kii September 2020.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *