Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Published: March 16, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire James Swan.

Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.

Sidoo kale madaxweyne Qoor-qoor ayaa la kulmay danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Yamamooto, wuxuuna kala hadlay dadaalka uu maraykanku ku bixinayo qabsoomidda shir lagu dhameystiro arrimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *