Puntland Oo Lasoo Gaarsiiyey Talaalka Coronavirus

Published: March 16, 2021

Talaalka Covid-19 ayaa maanta laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir ee caasimada Puntland ee Garoowe, waxaana ay diyaaradii sidey kasoo qaaday magaalada Muqdisho.

Puntland oo noqotay maamulkii ugu horeeyey ee talaalkan lasoo gaarsiiyo ayaa tiradiisu dhan tahay 40,000 oo xabo, waxaa garoonka diyaaradaha kula wareegay masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Jaamac Faarax Xasan.

Xanuunka Covid-19 oo si xoog leh ugu fidiya Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa la filayaa in talaalkani qayb ka noqdo dadaalada looga hortagayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *