Qoor-qoor oo Muqdisho ku laabtey

Published: March 16, 2021

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay dalka Turkiga ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho. Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shir aan weli si rasmiya loo shaacin cidda abaabulkiisa iska leh, aadse loogu badaniyo in ay ka danbeeyaan Wakiilada C6+ kaas oo aan la aqoon xiliga loo madlan yahay, waxaana shirkaas ujeedkiisu yahay in lagu saxiixo soo jeedintii guddiga farsamo ee ka dhacay Baydhabo bishii Febaraayo 15-16 keedi, kaas oo lagu dul shaqeeyey heshiiskii 17 September.

Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa todobaad ku sugan Muqdisho, waxaana ay degan yihiin xayndaabka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Lama oga ilaa hadda xili shirkaasi qabsoomaya, iyo qaabka uu ku qabsoomayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *