Badhan: Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo Tababar Loosoo Xiray

Published: March 18, 2021

Guddiga dib u habaynta ciidamada Puntland ayaa maanta tababar usoo xiray dufcadii 2aad ee ciidamada daraawiishta Puntland oo ka baxay dugsiga Jeneraal Giriin ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Guddiga waxaa hogaaminaayay gudoomiyaha gudiga dib u habeynta ciidamada ahna wasiirka wasararadda maalyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, waxaana wehliyey wasiirka wasaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan, taliyaha ciidamadda daraawishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheer, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda maanta tababarka loo soo xiray, waxaana ciidamadu goobta kusoo bandhigeen casharadii la baray, maamulka dugsiga ayaana ka warbixiyay marxaladihii kale duwanaa ee ay soo mareen Ciidamadu.

Ciidamaddan ayaa loo bixiyay (GUUTADA LIBIN SIDE)

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *