Madaxweynihii Tanzania ma cudurka COVID-19 ayuu u geriyooday?

Published: March 18, 2021

Madaxweynihii Taanzaaniya John Pombe Magufuli ayaa ku geeriyooday kadib markii uu xanuunsanaa todobaadyadii u danbeeyey.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Taanzaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa xaqiijisay geerida madaxweynaha iyada oo si toos ah uga hadashey warbaahinta qaranka dalkaasi uga jirtay.

Madaxweyne ku xigeenka waxay sheegtay Mr Magafuli inuu wadna xanuun u dhintay Arbacada saacaddu markay ahayd 6-dii makhribnimo.

Waxayna intaa ku dartay inuu madaxweynaha ku geeriyooday isbitaalka Mzena ee ku yaalla magaalada Darusalaam, isaga oo xaalad caafimaad darro ee isbitaalka loo dhigay ay haysatay 10-kii sano ee ugu dambeeyey.

John Pombe Magufuli ayaa la sheegayaa in laga heley cudurka Coronavirus, kadib la dhigey isbitaal ku yaala Kenya oo looga sii gudbiyey dalka Hindiya todobaadkii hore.

Magufuli ayaa horey u diidi jirey jiritaanka cudurka Covid-19, waxaa anadkii hore la joojiyey in baaritaano lagu sameeyo sidoo kale waxa uu sheegay in dalkiisu ka xoreebay cudurkaas.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *