EU oo hanjabaad u dirtay shirkada AstraZeneca oo kala daahday Daawada talaalka!

Published: March 20, 2021

Midowga Yurub ayaa ku hanjabay inay xayiri doonaan in shirkada AstraZeneca ee soo saarta daawada talaalka ay daawooyinkaasi wadamo kale u dirto iyadoo aan kasoo bixin balanqaadkii ay u fidisay dalalka EU-da.

Wadamada EU-da ayaa horey heshiis ugula galay shirkada AstraZeneca in 90 milyan oo daawada Talaalka Covid19 ah ku wareejiso Midowga Yurub, shirkadan oo laga leeyahay dalalka UK iyo Sweden xarunteeda ugu weyna ku taal Holland ayaa illaa hada waxay EU-da ku wareejiyeen 30% daawadii ay horey u balanqaadeen, arrintaasi oo ay dalalka Yurub sheegeen inaan la aqbali karin.

Hogaamiyaha EU-da, Ms Ursula von der Leyen ayaa ku hanjabtay inay shirkada AstraZeneca ka joojin doonaan daawooyinka ay dalalka kale ee caalamka u direyso hadii aysan EU-da kusoo wareejin daawooyinkii ay u balanqaadeen.

Wadamada EU-da oo qaarkood hakiyey isticmaalka Daawada talaalka AstraZeneca ayaa hada dib u bilaabay isticmaalka daawadaasi kadib markii meesha laga saaray cabsida laga qabay ee la xariirta in daawadaasi dadka qaarkiis ka qaadeen Dhiig-Xinjirow.

Dalalka Midowga Yurub ayaa hada dareemaya in faafka cudurka Covid19 uu mar 3aad kusoo laabtay dalal badan iyagoona raba inay dardar geliyaan talaalka si ay uga hortagaan saadaasha ah in cudurkan markale saameyn doono dalal badan oo kamid ah qaarada Yurub.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *