Jubaland: “ Dowlada Federaalka colaad ayey ka hurinaysaa Gedo”

Published: March 20, 2021

Jubbaland ayaa si kulul u cambaaraysay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo shalay dowladda Federaaka Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay iyadoo xaalado abaareed ka jiraan gobolka Gedo inay dowladda Federaalka ka abuureyso colaad, xili laga sugayay inay geyso Gargaar lagu caawiyo dadka.

Jubbaland ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeysay inuu weli wado ku tumashada Dastuurka, isla markaana uusan weli ka waantoobin hurinta colaada, sidoo kalena uu doonayo inuu jebiyo heshiis kasta oo looga gudbayo caqabadaha dalka ka taagan.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *