Madasha Badbaado Qaran Oo Fariin U Dirtay Beesha Caalamka

Published: March 20, 2021

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal ka dhan ah madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo u diray Wakiilada Beesha Caalamka.

Madasha ayaa qoraalkooda ku sheegay in Farmaajo uusan xiligan laheyn sharciyad uu shir isugu yeero madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, uuna horey u fashiliyay shirar la qabtay.

“Madasha Badbaadada Qaranka waxay bogaadineysaa dadaalka wada-hawlgalayaasha Caalamiga ah ee looga sii gudbayo qalalaasaha siyaasadeed ee hadda jira oo ay abuureen doorashooyinka daba dheeraaday. waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweynaysaa hadalkii Xog-hayaha arimaha dibada Mareykanka ee fikirka iyo dagdaga ah ee doorashada Somalia & daneeyeyaasha muhiimka ah ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaan ala wadaagnaa dareen isku mid ah oo deg-deg ah oo loogu gudbayo doorashooyinka”

Madasha Badbaado Qaran

Sidoo kale Madasha Badbaado Qaran ayaa tilmaamtay in Farmaajo weli uu xaalad Colaadeed ka abuurayo Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, isla  markaana halkaas dowladda Federaalka labadii maalin ee lasoo dhaafay ku daabushay Ciidamo.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *