Raysalwasaaraha Pakistan oo uu ku dhacay Covid19 maalmo kadib markii la talaalay!

Published: March 20, 2021

Xafiiska Raysalwasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa maanta oo Sabti ah xaqiijiyey in hogaamiyaha laga helay cudurka Covid19, arrintan ayaa imaaneysa 2 maalmood kadib markii Imran laga talaalay cudurkaasi.

Imran Khan ayaa khamiistii lasoo dhaafay lagu talaalay daawada Sinopharm oo uu shiinaha soo saaro.

Xukuumada ayaa sheegtay in hada la karantiilay Raysalwasaaraha iyagoo balanqaaday inay shaacin doonaan xog dheeraad ah oo ku saabsan xaalada caafimaad ee Mudane Khan.

Dalka Pakistan ayaa kamid ah wadamada uu todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn ugu faafayey cudurka Covid19.

Raysalwasaare Imran Khan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka qeyb galayey shirar kala duwan oo ay dad badan ka qeyb galeen, waxaana ugu danbeeyey Jimcihii shalay oo uu ka qeyb galay xaflada mashruuc dalkaasi laga hirgelinayo, isagoo aan afka xiran.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *