Sacuudiga oo soo riday Drone lagu duqeyn lahaa Saldhig Militari

Published: March 20, 2021

Militariga Sacuudiga ayaa sheegay inay maanta soo rideen labo diyaaradood oo ah nooca Drone-ka oo la doonayey in lagu duqeeyo magaalada  Khamis Mushait oo ku taal Koonfur-galbeed wadanka Sacuudiga.

Magaalada Khamis Mushait ayaa waxaa ku yaal saldhiga ciidamada cirka ee Sacuudiga ee loo yaqaan, King Khalid Air Base.

Weerarkan ayaa lagu eedeeyey kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaalameysa dalka Yemen.

Jimcihii shalay ayey sidan oo kale Xuuthiyiinta duqeyn la beegsadeen warshad shidaalka oo ku taal caasimada Riyadh halkaasi oo uu dab ka dhashay. Bilowgii bishan Maarso ayaa sidoo kale la duqeeyey kaydka shidaalka ee ku yaal maagalada Ras Tanura bariga wadanka Sacuudiga.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *